Madaxweynaha Puntland oo sheegay in hoggaamiyihii Daacish Cabdulqaadir Muumin uu ka Badbaaday Duqayntii Gobolka Bari.[Dhagayso]
November 6, 2017 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA ku sheegay in hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin inuu ka badbaaday weerarkii ay Jimcihii Maraykanku u qaadeen buuralayda Gobolka Bari. Madaxweynaha Puntland ayaa VOA u xaqiijiyey in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Cabdulqaadir Muumin, xogta ay ka heleen hay’adhooga amnigana ay sheegayso inuu ka bad baaday weerarkaas.
Hoos ka Dhagayso waraysiga uu Madaxweyne Gaas uu siiyey Idaacadda VOA
VOA