Wasiirka Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka DFS Dr’s Maryan Qaasim oo si casishay
November 15, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirkii Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr’s Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta ku dhawaaqday in xilkeedii wasiirnimo ay iska casishay . Dr’s Maryan Qaasim ayaa is casilaadeeda waxa ay ku sheegtay daruufo u gaar ah, ma jirto wax faahfaahin oo ay ka bixisay oo dheeraad ah balse warar hoose oo soo bxay ayaa sheegay in Dr’s Maryan Qaasim xilka loo igmaday wasiiro aan qaabilsanayan ay ku soo fara geliyeen ilaa intii uu dhacay qaraxii Is-goyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Dr’s Maryan Qaasim ayaa waxaa ay noqonaysa wasiirkii labaad oo ka tirsan xukuumada ra’iisul wsaare Kheyre ee is casila waxaan horay shaqada uga tegay wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya C/rashiid C/laahi Maxamed.
Ma jiro ilaa hadda masuul ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay is casilaada Wasiirkii Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr’s Maryan Qaasim Axmed.
A/cawaale
Halgan.net