Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Faransiiska Uga Qayb Gelaya Kulan Sanadeedka Madasha Nabadda Paris
November 10, 2019 - Written by EditorRa’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Fanasiiska oo uu uga qayb gelayo shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo socanaya Nofeembar 11-13, 2019.
Madasha nabadda Paris oo ah kulan sanadeed caalami ah, ayaa looga hadlayaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.
Shirka sanadkaan waxaa ka qayb gelaya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu kulamo doceedyo la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Faransiiska iyo Bulguim ayaa qayb ka ah dardar gelinta ajandayaasha horumarinta qaranka iyo dadaallada loogu jiro cafinta deynta lagu leeyahay qaranka Soomaaliyeed.
—DHAMMAAD—-