Xal laga gaaray xiisadii magaalada Boosaaso
November 15, 2019 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa xiriiryo kale duwan oo aan la samaynay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ay noo xaqiijiiyeen culimada , Aqoonyahanka iyo Issimada in heshiis laga gaaray khilaafkii iyo shaqaaqo ka dhacday Kontroolka Boosaaso.
Ilo wareed aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in Madaxda Dowladda Puntland , Issimada iyo culimada iyo ciidamo gadoodsan iyo maleeshiyo soo galay gudaha Boosaaso la isku afgartay in ay dib ugu noqdaan saldhiyadii ay ka yimaadeen markii hore.
Issimad iyo Culimada ayaa gudiga amniga Boosaaso, maamulka Gobolka Bari iyo Saraakiil Ciidan oo soo gaaray magaalada Boosaaso waxaa iyagana isla gaareen in la sugo amaanka magaalada Boosaaso lagana fogaaado wax kasta oo wax u dhimi kara amaanka magaalada Boosaaso.
Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxaa idinla wadaagi doonaa tafaasiisha iyo heshiiska la isla gaaray ee hordhac ah.
Halgan.net