Baarlamaanka Puntland oo Xasaanadii ka qaaday Cabdixakiin Maxamed Dhoobo -Daareed
December 10, 2019 - Written by EditorGaroowe:-Baarlamaanka Puntland ayaa maanta xasaanadii xildhibaanimo waxaa uu ka qaaday guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed), kadib markii laga keenay Mooshin ka dhan ah .
Golaha Wakiilada dowlada Puntland ayaa waxaa goobjoog ahaa markii loo codeynayey mooshinka ka dhanka ah Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed), 40 xildhibaan waxaana 39 xildhibaan ay cod gacan taag ah ugu codeeyay in xasaanada xubinimada laga xayuubiyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland kaas oo ay ku soo eedeeyeen kala qeybinta midnimada iyo jiritaanka Puntland
Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) ayaa isbuucii hore ka dhoofay magaalada Garoowe waxaana uu haatan ku sugan yahay dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada Adis Ababa waxaana uu uga sii gudbi doonaa magaalada Muqdisho .
Barlamaanka Puntland ayaa horey xilkii uga qaaday Cabdixakiin Dhoobo-Daareed kadib markii lagu eedeeyay eedeeymo kala duwan kuwaas oo uu dhamaantood iska fogeeyey .
M_M Deeq
Halgan.net