Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo tegay degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug

December 16, 2019 - Written by Editor

Towfiiq:- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo socdaal nabaddeed ku Tagey Degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug.

Ujeedka safar Wasiirka ayaa salka ku haya xalinta dagaal beleed kii dhawaan ka dhacay Degaanka Af-Barwaaqo iyo sidii xal nabadeeda looga dhex dhalin lahaa beelaha dirirtu dhex martay iyo sii xoojinta Guud ahaan nabadda Gobalka Mudug.

Maxamed Dhabancad wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa kulumo kale duwan layeeshay Waxgaradka iyo odayaasha Degmada Towfiiq, saraakiisha Ciidamada Gudoomiyasha Degmooyinka Jariiban iyo Towfiiq.

Ugu danbeyn Markii uu soo dhammaaday kulamadda wasiirka ayaa ka warbixyey kulamada kale duwanaa ee laqaatay qeybaha kale duwan ee bulshada iyo saraakiisha Ciidamada.

“Cuqaasha iyo Waxgaradka iyo saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka waxaan isugu nimid inaanu ka hadalno kana dirno baaq nabaddeed Puntland waxay diyaar utahay in dagaalka lagu soo dabaalo nabad iyo in laxoojiyo nabadii kasocotay Gobalka oo ay qeyb ka yihiin Puntland iyo Galmudug nabadaas oo hormuud ka yihiin isimada iyo Waxgaradka iyo cuqaasha arrintaas waxaan rabnaa inay sii xoogaysato Puntland iyo Galmudug waxay si wada jir ah uga wada shaqeenayaan nabada”

Wasiir Dhabancad ayaa ugu mahad celiyey saraakiisha Ciidamada Puntland iyo Galmudug iyo Waxgaradka, odayaasha labada Maamul ee ka shaqeenayey in dagaalka Labada Beelood xal nabaddeed lagu soo dabaalo.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
December 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online