Mu’tamar ay soo abaabushay Musasada Al Ansaar Sunnah oo lagu soo Gabagabeeyey Nairobi (Masawiro)
December 17, 2019 - Written by EditorKulan Cilmiyeed diini ah oo ay soo abaabushay Musasada Al Ansaar Sunnah ee magaalada Nairobi ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday si aad u qurxu badan
Mutamarkan ayaa waxaa sanad walba lagu qabtaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana qeybtiisii labaad ee sanadkan cinwaan looga dhigay Dadka ugu yeer diinta alle si xujo iyo cilmi ah
Mutamarka oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne lagu qiyaasay in ka badan 17000 oo qof kuwaas oo si weyn u soo camairay Mutamarka. Culumada ka soo qeyb galashay Mutakarka ayaa waxaa ay kala yihiin 1- Sheekh Maxamed Idirs Ahmed 2-Sheekh Mustafe Xaji Ismail 3-Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax 4-Sheekh C/rashiid Cali Suufi 5-Sheekh C/qaadir Al Ahdal Waxaa kale oo mutamarka ka jeediyey hadalo waano iyo dardaaran ah qaar ka mid ah culumada ku dhaqan dalka Kenya oo ay ka mid yihiin 1-Sheekh Dr Maxamed Sheekh Cismaan 2-Sheekh Sahariif Dhawiil 3-Sheekh Maxamed Kenyaawi 4-Sheekh C/risaaq jiir oo ah Gudoomiyaha Musadada Al Anasaar Sunnah Waxaa kale oo Mutamarka marti ku ahaa oo hadalo waano ah ka jeediyey culumada dalka Tanzaniya sida Sheekh Cawad iyo Sheekh Jmaalu Diin oo ah imaamka Masjidka Jaamica ee magaalada Nairobi.no images were found
Mutamarka ayaa waxaa uu ahaa mid si weyn looga soo abaabulay waxaana ka dhaqeynayey dhalinyaro xoog furan waxaaana uu ku soo dhamaaday guul .inta uu Mutamarka socday waxaa laga soo jeediyey muxaadarooyin kala duwan oo ku baxayey luqadaha Soomaaliga ,Carabiga, Englishka,iyo Luqada Sawaaxiliga . Halgan.net Nairirobi