Madasha Xisbiyada oo ka baxay wada-hadallada Farmaajo.

December 19, 2019 - Written by Editor

Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu bur-buray heshiiskii ay kula jireen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana aysan wada-hadallo kale la geli doonin madaxweynaha.

Heshiiskaan ayaa dhinacyadu ay garaeen 20-kii November kadib kulan Villa Somalia ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo ka wakil ahaa Madasha.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran, oo ku taariikheysan 18-ka December, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha “inuusan daacad ka ahayn wada-hadallada, islamarkaana uu heshiiskii hore jebiyey”

Waxyaabaha ay Madashu ku eedeysay madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah “inuu sii wado inuu shacabka u diido xuquuqdooda aas-aasiga ah ee hadalka iyo dhaq-dhaqaaqa.”

Qoraalka ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyey “Inuu sii wado u adeegsiga hay’adaha amniga federaalka raadinta hadafyo siyaasadeed oo hooseeya.”

Madasha Xisbiyada Qaran waxay sidoo kale madaxweyne Farmajao ku eedeeysay, inuu rabshado iyo xasillooni darro aan loo baahneyn ka wada maamul goboleedyada dalka, isaga oo maal-gelinaya kacdoono ka dhan ah dowlado la doortay, sida hadalka loo dhigay.

Arrimaha doorashooyinka, ayey Madashu sheegtay, “in madaxweynaha uu weli sii wado taageerista qorshihiisa doorashooyinka 2020/21 ee ka baxsan dastuurka”. Madashu ma aysan faah-faahin waxa uu yahay qorshahaas.

Dhammaan qodobadaas ayay Madashu sheegtay inay jebinayaan heshiisyadii horey loo gaaray, ayna muujinayaan in madaxweynaha uusan daacad ka ahayn inuu xal la gaaro dhinacyada saameynta ku leh siyaasadda dalka.

Madasha ayaa ugu dambeyn shuruud ka dhigtay, in si wada-hadallada dib loogu furo ay doonayaan in madaxweynaha dhankiisa ka shaaciyo qodobada heshiiskii hore, islamarkaana uu fuliyo.

Madaxtooyada Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymaha madaxweynaha loo jeediyey.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online