NISA: “Dal shisheeye ayaa lahaa qorshaha Qaraxii ka dhacay Ex-Control”
December 30, 2019 - Written by EditorHay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in dal shisheeye “uu ku lug lahaa qorshaha” qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex-Kontorool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.
“Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye. “ ayaa lagu yiri qoraal ay NISA ku baahisay twitter-ka.
Dadka Soomaaliyeed ayaa ka war dhowraya warka dhiilada leh oo ay baahisay Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya Ee NISA.
Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis. pic.twitter.com/k5ylYw8CZQ
— NISA (@HSNQ_NISA) December 30, 2019
Halgan.net
Muqdisho