Madaxweynaha Dowladda Puntland oo magacaabay Wasiirka Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland
October 11, 2023 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 11-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFIN MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.