Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii hore ee Gal-Mudug
October 31, 2023 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland, waxaa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii Hore ee Dowladda Galmudug Marxuum Maxamed Axmed Caalin oo caawa geeriyoodey.
Marxuumku waxa uu ahaa Masuul Dalka usoo shaqeeyey, isagoo soo qabtay masuuliyado kala duwan oo uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeegay, waxaa uu soo noqday Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug sanadihii 2009 illaa 2012, Waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaashii bud-dhigay maamulka Galmudug.
“ Allah ha naxariisto Madaxweynihii hore ee Galmudug Marxuum Maxamed Axmed Caalin, waxa uu ahaa masuul qaybtiisa ka qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, waxaa uu ka mid ahaa masuuliyiinta ka shaqeeyey horumarinta dastuurka kumeel-gaarka ah ee dalka, wuxuu qayb ka ahaa shirarkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 iyo shirarkii Gaalkacayo, waxaan si guud iyo si gaar ah ba uga tasiyeynayaa geeridiisa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug Dowlad iyo Shacaba, Rabbi samir iyo iimaan ha innagasiiyo Marxuum ka.”
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Galmudug, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo awlaaddii uu ka baxay.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.