Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo saxiixay xeerka ururada siyaasada
July 7, 2012 - Written byGaroowe:-Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta qalinka ku duugay xeerka ururada siyaasada Puntland oo ay soo diyaariyeen guddiga doorashada dowlada Puntland, oo isbuucii la soo dhaafay ay ansaxiyeen xildhibaannada golaha Baarlamaanka Puntland .
Xaflada uu madaxweynaha Puntland ku ansaxiyey xeerka ururada siyaasada Puntland ayaa waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Puntland waxaana ka soo qeyb galay Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Puntland iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland, Maxamed Xasan Barre.
Guddoomiyaha guddiga doorshada Puntland Maxamed Xasan Barre oo goobta ka hadlay ayaa khudbad kooban ka ka jeediyay xaflada isaga in yar dulmaray qaabkii ay ku soo diyaariyeen xeerkan, wuxuuna sheegay in Puntland ay ka gudubtay qaabkii qabiilka una gudubtay qaabka xisbiyada badan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole oo khudbad ka joo jeediyey xafladan ayaa u mahadceliyey guddiga doorashooyinka oo hawshan muddo ka soo shaqeynayey.wuxuna yiri ‘’Run ahaantii waxaan ku faraxsanahay Puntland inay leedahay dastuur meel marey iyo nidaam axsaab badan oo ,waxaa maanta bilaabmey geedi socodkii nidaamkii axsaabta badan oo ay ku talaabsatey Puntland’’
M_M Deeq
Halgan.net