Wafdiga uu hogaaminayo Mark Bowden oo gaaray magaalada Garoowe
July 10, 2012 - Written byGaroowe:-Waxaa galabta gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland Mr. Mark Bowden oo QM u qaabilsan arimaha gargaarka iyo wafdi uu hoggaaminayo waxayna kulan la qaateen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Kulanka labada Masuul ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Puntland waxaana ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa arrimaha bini’aadannimada iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ka soo barakacay Koonfurta Soomaaliya ee ku nool gobalada Puntland.
Shir jaraa’id oo ay wada qabteen markii uu kulanka u soo dhamaaday Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxay ku sheegeen in xeryo cusub laga dhisi doono dadka u soo barakacay deegaannada Puntland kuwaas oo ay marwalba gubtaan xerooyinka ay ku nool ýihiin.
Mark Bowden iyo Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kaalmada la gaarsiin doono sidoo kale deegaanada ay ka jiraan abaaraha kuwaas oo loo sameyn doono wadooyin laami ah ;Wakiilka QM ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xal u helidda dhibaatada bini’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya oo dhan .
Wafdiga QM u qaabilsan arimaha bani’aadanimada ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaana wafdiga uu kulamo la qaatay masuuliin ka tirsan Maamulka degmada Dhuusa Mareeb
M_M Deeq
Halgan.net