Midowga Afrika oo u digay mar labaad dad uu ku sheegay Qaswadayaal
July 19, 2012 - Written byMuqdisho:-Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafulu Wmunyinyi ayaa maanta Shirjaraa’id waxaa uu qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu ka hadlay arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin amaanka ,xaalada kala guurka iyo waktiga u dhiman madaxada DFKM .
Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafulu Wmunyinyi ayaa marka hore wuxuu ka hadlay amaan wuxuuna sheegay in dalka uu marayo marxalad xasaasi ah loona baahan yahay in amaanka laga wada Shaqeeyo lana sugo amaanka ergada ansaxineysa dastuurka .
Mar uu ka hadlayey dad uu ku sheegay Qaswadayaal ayaa wuxuu cadeeyey in laamaha amaanka ee TFG ay la socodsiiyeen in talaabo laga qaadi doono Qaswadayaasha gaar ahaan wasaarada G/dhiga iyo arimaha gudaha wuxuuna yiri “looma dulqaadan doono dadka carqaladeynaya in laga gudbo marxalada kumeel gaarka ”
Wafulu Wmunyinyi kuxigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay soo xulida ergooyinka ansaxin lahaa Dastuurka DFKM wuxuu tilmaamay in meel wanaagsan ay mareyso isaga oo sidoo kale ka sharqamiyey xiliga la qabanayo doorashada madaxtinimo ee dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in ay bil ka dhiman tahay .
Dhinaca kale Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee arimaha Soomaaliya Wafulu Wmunyinyi ayaa waxaa uu si rasmi ah u shaaciyey maanta in ciidamo Boolis ah oo ka socda AMISOM ay la wareegi doonaan dhawaan xarumaha Booliska ee ku yaal dhamaan Degmooyinka magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net