Xarunta Agoomaha ee Laascaanood oo soo Bandhigtay Agoon u baahan in la caawiyo.[VIDEO+SAWIRO]
September 9, 2012 - Written byLaascaanood:-Waxaa saaka ka dhacday xarunta agoonta ee magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay , laguna soo bandhigay ilaa 55 agoon ah oo kafaalo u baahan oo iskugu jira wiilal iyo gabdho, waxaa xafladaas ugu horayn ka hadlay maamulha xarunta agoonta laascanod Jamac Xassan Maxamed oo ka warbixiyay agoonta ay gacanta ku hayaan iyo agoontan kafaalada u baahan, waxa uuna yidhi” waxaanu haynaa oo ummada soomaaliyeed u soo gudbinaynaa agoon u baahan kafaalo oo aan haysan cid kafalo qaada noloshooda iyo waxbarashadaba.Agoontaas oo kafaaladooda loo kala saaray laba qaybood.
1- qayb kafaalo dhammaystiran oo leh : waxbarasho, cafimaad, iwm, kafaaladan waxaa agoonka lagu qaadikaraa lacag dhan 50$ (kontondollar bishii).
no images were found
1- qayb kafaalo dhammaystiran oo leh : waxbarasho, cafimaad, iwm, kafaaladan waxaa agoonka lagu qaadikaraa lacag dhan 50$ (kontondollar bishii).
2- Kafaalo waxbarasho oo ah , waxaa agoonka lagu qaadikaraa 20$ (Labatan i dollar bishii,waxaa sidookale agoontaas halakaas loogu qaybiyayl acag dhan 500$ Dolar agoontaas kafaalada loo raadinayo oo ay soodireen gabdho muxsiniina ah oo katirsan jaaliyadda Abudabai .gabdhahaas oo ay wakiil u ahaayeen Amina Kiin Faarax iyo Saamiya Ibrahim Cateeye.
Waxaa ka soo qayb galay kulankaas maamulaha xarunta agoonta lascanod Jama Hasan Mahamed iyo maamule kuxigeenka xarunta agoonta macallin c/laahi faarax ibrahmin agaasimaha xarunta agoonta ismail abdilahi abdi , Sh.axmed maxamed saleebaan.,Sh.maxmed sh.aadan wali cabdi xuseen iyo waalidiin farabadan oo ka kalayimi xaafadaha magaalada laascaanood.
Hoos ka Daawo Video-ga Agoonka Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool
wxii faah faahinka kala soo xidhiidha
tel:+25-22- 4496338 / tel:+25-22 4497666
tel:+25-22- 4496338 / tel:+25-22 4497666
Email : ismaaciil2006@hotmail.com
Email : agoontassc@hotmail.com