Wariye Axmed Cabdullaahi Faarax oo lagu dilay magaalada Muqdisho
September 28, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa Allaha u naxariistee saaka lagu dilay magaalada Muqdisho wariye u shaqayn jiray Wakaaladda Wararka Saba ee Dalka Yeman, wariyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Axmed Cabdullaahi Faarax isagoo xiliga la dilayey marayey Degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.
Wariyaha la dilay ayaa waxaa dilay dhalinyaro hubaysan oo markii ay dilka u geysteen ka baxsaday goob, dilalka wariyaasha lagula kacayo ayaa waxaa ay maalmihii la soo dhaafay ay ka noqdeen magaalada Muqdisho Tusbax go,ay.
Ilaa hadda ma cadda kooxda abaabulan ee dilalka qorsheysan ka geysta magaalada Muqdisho kooxdaas oo dilalka noocyo kale duwan u filisa ilaa hadda ma jirto koox si rasmi ah u sheegtay dilalka wariyaasha balse waxaa jira tuhun ay Bahda saxaafadu qabto in koox gaar ah ay dilalka kula kacaan Wariyaasha ka howl gala magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.
A/cawaale
Halgan.net