Xildhibaan ka tirsan DFKM oo lagu dilay maanta degmada Wadajir ee G/Banaadir.
November 9, 2011 - Written byMuqdisho:-Waxaa maanta duhurkii lagu dilay magaalada Muqdisho Xildhibaan Aadan Buulle Maxamed oo ka mid golaha baarlamaanka ee DFKM waxaana xildhibaanka lagu dilay degmada Dharkenlay ee magaalada Muqdisho .
Koox ku hubeysan bistoolado afkana u duuban yahay ayaa dilay Xildhibaan Aadan Buulle Maxamed xili uu soo eeganayey guri uu ku lahaa Degmada Dharkenlay.
Ilaa haatan ma jiraan cid sheegatay dilka Xildhibaan Aadan Buulle Maxamed lamana aqoonsan kooxda dilka u geystay Xildhibaan Aadan Buulle Maxamed .
Geerida Xildhibaanka ayaa waxaa u xaqiijiyey warbaahinta Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ma jiraan ilaa hada cid ka tirsan DFKM oo ka hadashay dilka Xildhibaanka.
A/Cawale
Halgan.net