Maamulka Puntland oo Somaliland ku eedaysay hurinta Colaada Ceerigaabo.
November 9, 2011 - Written byGaroowe:-War-saxafadeedka ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntland ayaa waxaa ay ku eedeeyeen colaada ka socota magaalada Ceerigaabo Maamulka S/land warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in S/land ka dhexhurineyso colaad qabiil dadka wada degan Deegaanka Ceerigaabo.
War-saxaafadeedkaan ayaa waxaa u qornaa sidan.
Puntland State of Somalia Garowe
WAR SAXAFADEED 9 Nofembar 2011 Waxaa Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ay ciidamada Maamulka Somaliland
ku laayeen dad shacab ah, 5-ta iyo 6-da bishan Nofembar, iyadoo falkaasi foosha xun uu sababay dhimashada 4-qof iyo dhaawaca 13-qof, iyo weliba barakaca bulshada reer Ceerigaabo.
Caado ayey u noqotay Maamulka Somaliland in ay bulsho meel wada deggan colaad dhex-dhigaan iyagoo gacansiin ku salaysan Qabyaalad kula kacaya dadka shacabka ah. Ma ah markii ugu horeysay oo ay dhacdo arrintaan oo kale, waxaana ugu danbeysay
colaadii deegaanka Kalshaale. Mala aqbali karo in Maamulka Somaliland uu huriyo colaad Qabyaalad ku salaysan.
Waxaan ugu baaqeynaa beelaha deriska ah ee Reer Ceerigaabo in ay ka digtoonaadaan dabinka colaadeed ee loo maleegayo. Sidoo kale, waxaan Shacabka ugu baaqeynaa in ay mar kasta ilaashadaan nabadgelyada iyo xasiloonidda. Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa in maatada la barakicinayo ay gargaar dhan kasta ah u fidiyaan iyo in Mas’uuliyiinta Somaliland oo ku mashquulsan hurinta iyo fidinta colaadaha tallaabo Dowli ah laga qaado.
Communications Office
The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia
info@puntland-gov.net
http://www.puntland-gov.net
www.puntland-gov.net