Dhagax dhiga Mashaariicda JPLG Sanadka 2011 Degmada Qardho
November 13, 2011 - Written byQardho:-Waxaa si rasmi ah loo dhagax dhigay mashaariicda ay fulinayso Gardo Municipality oo ah mashaariicda horumarinta degaanka degmada Qardho ay maalingelinteeda iska kaa shadeen hay’addo isku tagay oo dhan 5 hay’adood Joint Program Local Government JPLG oo sanadkiiba u qorsheeya 4 degmo in ay ka faa’iideystaan degma kasta $100,000 USD, Degmada Qardho waxay ka mid tahay degmooyin ka faa’iideysanaya.
Hay’adda UNCDF ayaa sanadkaan 2011 ku soo biirtay barnaamijka horumarinta degmooyinka JPLG, hay’adaan oo dhinaca dhaqaale siinta mashaariicda si wanaagsan u maamuleysa dardarna gelinaysa sidii loogu guuelaysan lin ay helaan adeegyo kala duwan bulshada iyadoo dowlada hoose loo sii marinaayo, UNCDF waxay ballan qaaday in ay sanadka 2012 ay ballarin doonto lacagta loogu tala galay degmooyinka oo degma kastaba oo buuxisa nidaamka adeeg siinta bulshada iyo tan maamul ee leh la xisaabtan ay qaadan doonto $200,000 USD.
no images were found
Mashaariicdaan ayaa waxaa la soo mariyaa degmada iyadoo ku dabaqeysa nidaam loo tababaray oo ah sidaan:
- In bulshada la soo diyaariyo baahiyaha sanadka iyadoo loo xulayo kala siinta mudnaanta baahiyaha.
- In la sameeyo annual Planning and Budget.
- in la sameeyo kala xulashada baahiyaha iyadoo lagu marayo nidaamka ka faa’iideysiga dhinaca dhaqaalaha, degaanka, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka qeybta ay ka qaadanayo project.
- habka Procrument-ga oo ah bandhigida mashaariicda.
- habka qiimeynta mashaariicda ay shirkada dhismaha u tartamayaan.
- heshiiyada ku guuleysiga mashaariicda si loo fuliyo.
Waxaan oo shaqo ah waxaa sameeya maamulka dowlada hoose degmada Qardho oo gacan ka siinayaan hay’adaha ku midoway JPLG
Mashaariicda sanadka 2011 maanta sida rasmiga ah loo dhagax dhigay ayaa kala ah:
- Rehabilitation Upper Hingod Gravel Road
- Rehabilitation Lower Hingod Gravel Road
- Construction Qoyacad Mini Market Shelter
- Construction Kaampo Primary School
halka ay kormeer buuxda ku sameyeen saraakiish ka socota hay’adda ILO Puntland Mashaariicdii sanadka 2010 ee kala ahaa sidaan
- Rehabilitation Hospital Gravel Road
- Construction Ga’an Libah Milk Market Shelter
- Construction Ga’an Libah Vegetable Market Shelter
- Construction Ga’an Libah Cloth Market Shelter
- Construction Wadajir New Market Shelter
- Construction Libow Health Post
- Construction Dhahan Health Post
Mahadsanid
Waeys Aidarus Gure