Afhayeenka ururka Al-shabaab oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho
November 15, 2011 - Written byMuqdisho:-Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Sh.Cali Dheere oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kaga hadlay dagaalo ay Al-shabaab iyo ciidanka dalka kenya ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo Jubooyinka, Sh.Cali Dheere ayaa ku sheegay shir kiisa jaraa.id in ay khasaaro fara badan ay gaarsiiyeen ciidanka dalka Kenya isagoo xusay in ciidanka Kenya ay ku jabeen duulaanka ay ku soo qaadeen Soomaaliya.
Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere ayaa ku tilmaamay ciidanka Kenya kuwa jabay oo weliba tabardaran iyagoo qaylo dhaan taageero u dirsaday dalalka carabta, Israil, Turkiga iyo Maraykanka oo ah kuwa geliyey dulaanka ay ku soo qaadeen Soomaaliya.
Afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Dheere ayaa tilmaamay in u jeedadii duulaanka ciidanka Kenya uu ahaa in ay ka hortagaan shareecada islaamka iyadoo taas ay cadaatay markii ay taageero ay dowllada Kenya ay ka codsatay dowllada Israil, Shiikh Cali Dheere ayaa sheegay in dowllada Israil aysan waxba u qaban doonin Kenya loona baahan yahay in dowllada Kenya ay ka laabato duulaanka ay ku soo qaaday Soomaaliya.
Gabagabadii ayaa Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere waxaa uu ugu baaqay dadka muslimiinta ah in ay gargaar la soo gaaraan walaalahooda Soomaaliyeed ee duulaanka lagu hayo iyadoo la doonayo in la gumaysto lana qabsado dalkooda.
A/cawaale
Halgan.net