Diyaaradaha dalka Kenya oo duqeeyey degaano ka tirsan Gobolka Gedo
November 22, 2011 - Written byGedo:-Waxaa maanta ay diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ay weerar dhinaca cirka ah ay ku qaadeen degaano ka tirsan Gobolka Gedo, ciidanka cirka dalka Kenya ayaa waxaa ay weerarka qaawan ay la beeg sadeen degaanka Yaaqle waxaan ay wax yeelo u geysteen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa Ceel biyaado ay ka waraabinayeen Xoolahooda.
Diyaaradaha dalka Kenya ayaa waxaa ay ku rideen Ceel biyaadka ilaa 7 Madfac iyadoo goobat ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah iyo xoolahooda waxaan soo gaaray khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dowllada dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in ay qabsan doonaa magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada Hoose iyagoo ku doodaya in ay dagaal kula jiraan ciidanka ururka Al-shabaab oo ka taliya inta badan Koonfurta dalka Soomaaliya .
Ma ah markii ugu horaytsay oo ay ciidanka cirka ee dalka Kenya ay bartilmaamsadaan degaano ka tirsan Gobollka Gedo iyo Jubada Hoose, ciidanka dalka Kenya iyo ciidamo Soomaali ah ayaa waxaa ay ilaa hadda qabsadeen degaano dhowr ah oo ka tirsan Jubada Hoose degaanadaas oo ay marar badan ay ka dhaceen dagaalo ka dib markii ay ciidanka Al-shabaab ay ku soo qaadeen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ahna uu soo gaaray ciidanka dalka Kenya.
A/cawaale
Halgan.net