Sarkaal u shaqaynayey Turkish Airline oo lagu dilay Muqdisho
May 27, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa saaka lagu dilay magaalada Muqdisho Sarkaal u dhashay dalka Turkiga una shaqaynayey shirkadda Turkish Airline oo in mudo ah ka shaqaynaysay magaalada Muqdisho. Dhalinyaro hubeysan ayaa Sarkaalkaan Turkiga ku toogtay xili uu gaari ku marayey wadadda KM4 oo ah waddo aad loo ilaaliyo ayna inta badan ay ku sugan yihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Allaha u naxariistee Sarkaalka Turkiga ah ee la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Saadettin Doğan.
Sarkaalkaan la dilay ayaa waxaa la sheegayaa in uu ahaa madaxii ammaanka ee shirkadda Turkish Airline waxaan ay shirkadda Turkish Airline ay shaqo ka bilawday magaalada Muqdisho bilawgii 2012-ka. Turkish Airline ayaa wxaa ay ahayd diyaaradii ugu horaysay oo duulimaad ka bilawda Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho arrintaas oo u sahashay dad badan oo Qurbo joog ah in ay si sahlan ugu safraan dalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net