Sheekh Cali Warsame oo xalay muxaadaro ka jeediyey Masjidka Al-Huda ee Garowe(Masawiro)

May 1, 2015 - Written by Editor

4Garowe:-Waxaa xalay oo jimca ahayd kadhacday masjidka Al-Huda magaalada Garowe Muxaadaro aad u qiimi badan waxaana soo jeedshay Culimo uu hogaaminayay Caalimka Soomaaliyeed Sh.Cali Warsame waxaana sheekhu aad ugu dheeraaday Ahmiyada ay leedahay In dadka loogu yeero diinta Allah islamar kaana looga digo wax yaabaha keena halaaga iyo naarta .

Waxaa isna dhan kiisa soojeedshay muxaadaro soo jiidatay boqolaal muslimiin ah Sh Maxamed Aadan Cabdille waxaana sheekhu aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay in bulshadu barato iskaashiga khayrka iyo midnimada walaal nimada waxaana sheekhu qiray in hadii bulshadu qaadato midnimada iyo isku duubnaanta in bulshadu gaarayso horumar dhan walba leh.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa culimadii masjidka Al-Huda caawa Muxaadarada kasoo jeedshay Sh Aadam Maxamed Cigaal waxaana sheekhu diirada saaray dhibaatada ay leedahay Qabyaaladu iyo gaala raacnimada waxaana sheekhu kadigay dhibaatada qabyaalada iyo gobalaysiga aan ku dhis nay diinta islaamka .

Isku soo duuboo muxaadaradaan ayaa imaanaysa xili aad loogu baahnaa waxaana caawa masjidka ka soo xaadiray dad aad u farabadan ku waas oo aad u danaynayay dhagaysiga khayrkaan waxaana dadka laga dareemayay in ay aad ugu farx sanaayeen aragtida Sheekha Caankaa Ee mudo dheer usoo halgamay Fidinta dacwada iyo Baahinta ku dhaqan keeda Sh.Cali warsame waxaana masjidka soo buux dhaafshay boqolaal dad weyne ah oo idaacadaha ka maqlay Ogaysiiska In Sheekh Cali warsame ku qoran yahay Muxaadarada.

no images were found

Waxaa sidoo kale caawa lafilayaa in Muxaado kale caawa kadhacdo islamasjidka Al-Huda waxaana lafilayaa in ay kasoo qayb gali doonaan Culimo ay kamid yihiin Sh.Daahir Aw Cabdi Aw Yuusuf .

Nuur Jaamac Aadan
Halgan.net
Garowe.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online