Madaxweyne ku xigeenka PL oo ka qeyb-galay Aasqaran oo Gaalkacyo loogu sameeyey Xildhibaan Siciid Xuseen.[Masawiro]

May 9, 2015 - Written by Editor

IMG_1943-450x300Gaalkacyo:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdi xakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 9-5-2015 magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kaga qeyb-galay aas qaran oo loo sameeyey Marxuun Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur (Dirir).

Aaska qaran waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Culimo’udiin, Aqoonyahan, Maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo, Isimo uu kamid yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo dadweyne kala duwan .

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo aaska kadib la hadlay warbaahinta ayaa Alle uga baryey Marxuun Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur (Dirir) in janadiisa fardawsa uu kawaraabiyo qabrigana u waasiciyo.

” Xili kasta hanoqoto ha dhawaato ha fogaato Dawladda Puntland waxay balan qaadaysaa sidii ay u raadin lahayd ama ay gacanta ugu soo dhigi lahayd kooxdii dishay marxuumka nolol iyo keeriba , waxaana la marsiin sharciga ” Ayuu yiri Eng. Cabdixakiin Camey .

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey waxaa uu sidookale sheegay in dawladda Puntland oo la kaashanaysa laamaheeda amniga ay ku howlan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa amaanka guud ee Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug, shacabka Gobolkana waxaa uu ugu baaqay inay ciidanka amaanka kala shaqeeyan xasilinta amniga.

” Mar labaad iyo mar saddexaadba waxaan Alle uga baryayaa marxuuminta in qabriga uu u waasiciyo eheladii ay ka baxeena samir iyo iimaan buuxa uu ka siiyo Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun ” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online