Madaxweyne Gaas oo Nairobi kula kulmay Safiirada Yurub iyo Bangiga Aduunka.[Masawiro]

May 15, 2015 - Written by Editor

Kulamada-Madaxweynaha-ee-Nayrobi11Nairobi:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee Kenya ayaa halkaas kulamo kula qaatay safiirada Midowga yurub, Maraykanka, Holland , Sweden iyo madax sare oo katirsan Bankiga aduunka.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Gaas ayaa dhammaan madaxda uu la kulmay kala hadlay arrimaha amaanka Puntland iyo sidii ay taageero qalab ciidan oo casri ah Puntland u siin lahaayen , waxaana uu u sheegay in muhiim tahay taagerada ay balan qaadan inay ka dhabeeyaan.

Madaxda Beesha caalamka ayuu sidookale Madaxweynuhu ka dalbaday in taageero deg deg ah la soo gaaraan qaxootiga ka imaanaya Yemen oo ay Puntland kaalin mugleh ka qaadatay dejinta iyo soo dhaweyntooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ka dhabaysay balanqaadkii ahaa in qaxootiga ka imaanaya Yemen Puntland soo dhaweynayso iyadoo la dhowrayo sharaftooda , qiyamkooda iyo amnigooda.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online