Khudbadii Sh Bashiir Axmed Salaad iyo Sh Maxamuud ay kaga hadleen Al-Shabaab (Daawo)
May 16, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Shir laga hadlayey amniga Puntland iyo dhibaatada kooxda Al-Shabaab ee ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana shirkaas ka soo qeyn galay madaxada Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana shirka khudbado kala duwan ka jeediyey qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed
Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay,da Culumada Soomaaliyeed ayaa khudbad dheer ka jeediyey shirka waxaana uu ka hadlay mowqifka sharciga ah ee kooxda Al-Shabaab iyo dhibaatada ay ku hayaan umada Soomaaliyeed .
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sidoo kale khudbad uu uga hadlay kooxda Al-Shabaab waxaa uu ka jeediyey shirka looga hadlayey amiga Garoowe iyo Dhibaatada kooxda Al-Shabaab wuxuuna sheegay in aysan cidna bixinayn ayna masuul ka yihiin dhibaatada dalka ka taagan wuxuuna xusay in ay cadow yihiin loona baahan yahay in la iska dhiciyo oo aan laga baqan.
Ugu danbayntii ayaa culumada waxay uga digeen umada Soomaaliyeed iyo Fikirka Qaloocan ee Alshabaad Iyo Kooxaha La halmaala oo ay bahwadaaga ku yihiin gaaleysiinta iyo daadinta dhiiga umada Islaamka .
Wadaada iyo horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa in badan gaaleysiiyey culumada ,madaxada,qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mar marka qaarkooda deeganada ay degto Soomaalida waxaa inxiraafkooda u danbeeyey ka mid ah wareysigii C/qaadir Muumin uu siiyey warbaahinta kooxda Al-Shabaab isaga oo ku tilmaamay magaalada Garoowe in ay ka daran tahay Tal aabiib .!
Hoos ka Dhageyso C/qaadir Muumin oo leh Garoowe waxaan u aqaan Talaabiib wuxuuna gaaleysiinayaa culumada Ictisaam quluwigan miyuusan xaq ahayn in laga digo oo la iska dhiciyo
Ama Halkan Mp3 (Radio Al-Furqaan ee Al-Shabaab)
Hoos ka Daawo Khudbadii Sheekh Bashiir Axmed Salaad ka jeediyey Shirkii looga hadlayey mniga Puntland iyo dhibaatada kooxda Al-Shabaab.
Hoos ka Daawo Khudbadii Sheekh Maxamuud Xaji Yuusuf ka jeediyey Shirkii looga hadlayey mniga Puntland iyo dhibaatada kooxda Al-Shabaab
M_M Deeq
Halgan.net