Shirkada Golis oo Ajiibtay codsigii culimo’udiinka Soomaaliyeed amabixisayna ilaa 300 oo qof.[Masawiro]

May 16, 2015 - Written by Editor

1510Boosaaso:-Shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa maanta mar kale ambabixisay qaar kamid ah qaxootigii ka soo barakacay dagaalada kasocda dalka Yaman kuwaas oo loo safriyay magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka oo ay ku sugan yihiin eleladoodu.

Dadka maanta la ambabixiyay ayaa gaaryay 300 oo qof kuwaas oo ka koobnaa caruur, haween, iyo dad da’ ah, waxana shirkaddu u kiraysay 10gaari oo gayn-doonta magaaladda Muqdisho iyagoo lasiiyay kharash ay jidka kusii maraan.

Madaxa xiriirka dadwaynaha Shirkadda Golis Telecom Somalia Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo saxaafadda la hadlay xiligii la ambabixinayay dadkan ayaa sheegay in shirkadda Golis aysan ka daalayn inay wax u qabato dadka kasoo barakacaya dalka Yaman ee dhibaataysan.

“Golis iyadoo ka duuleysa balan qaadkeedi hore ee ahaa inay mar walba garab istaagayso dadka dhiban ee kasoo barakacaya colaadda dalka Yaman ayay maanta ambabixinaysaa dad gaaraya 300 oo qof, waana sii wadi doonaa hawsha Insha Allah maadaama ay muhiim tahay in loo gurmado walaalaha maslimiinta ah ee ka imaanaya Yaman” ayuu yiri Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha Puntland C/llaahi Xaashi Qoob-deero ayaa dhankiisa uga mahadceliyay shirkadda Golis talaabadan ku dayashada mudan iyo mas’uuliyadda ay iska saartay dadka dhibban waxa uuna xusay inay muhiim tahay in si guud loogu soo gurmado dadkan balse aan Golis kaliya lagu siidayn hawsha.

Dadkii maanta la ambabixiyay ayaa dhankooda cabiray dareenkooda waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin in loo celiyo deegaanadoodi iyo eheladoodi iyagoo arrintaas uga mahad celiyay shirkadda Golis.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in doonyo kale oo wada kumanaan qof oo kasoo qaxay dalka Yaman ay soo gaaraan dhawaan magaaladda Boosaaso waxana shirkadda Golis ay balan qaaday dufacd walba oo timaada ay qayb ka ambabixin doonto.

no images were found

Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha
Shirkadda Golis Telecom Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online