Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo isku day dil ka badbaaday
May 18, 2015 - Written by EditorAfgooye:-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka badbaaday weerar lagu qaaday kolonyo gawaari ah ee uu la socday ka dib markii miino lagu qarxiyey xili uu marayey duleedka Degmada Afgooye.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa socdaal indho indhayn ah ku marayey maalmahaan deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose .
Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Afgooye ayaa sheegaya in mid ka mid ah gawaaridii galbineysay Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qarax haleelay xili ay marayeen inta u dhexeysa Carbiska iyo degmada Afgooye.
Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamad Nadara oo la hadlay Idaacada VOA qeybta afka Soomaaliga ayaa sheegay in miino nooca dhulka lagu aaso ay ku qaraxday kolonyada, balse aan wax dhibaato ah soo gaarin Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan .
A/Cawale
Halgan.net