Kitaabka Mukhtasar Al-Bukhaari Sh Dr Adam Sh Cali Saalax (Dhamaad)
November 1, 2015 - Written by EditorNairobi:-Waxaa idiin soo gudbineynaa walaalaha jecel barashada cilmiga Sharciga darsigii ugu horeeyey ee uu ka bilaabay Masjidka Abubakar Al-Sadiiq ee magaalada Nairobi Sh Dr Adam Sheekh Cali Saalax. Duruusta uu bilaabay Sh Dr Adam Sheekh Cali Saalax ayaa waxaa ay bilaabatay 16-10-2015 salaada maqrib ka dib waxaana uu Sheekhu si gaara u akhrin doonaa Faniga Dhamaan Duruusta uu akhrin doono Sh Dr Adam Sheekh Cali ayaa waxaa si live uga dhageysan doontaa Radio Halgan Live .
Darsiga ugu horeyey ayaa waxaa uu Sheekhu ku bilaabay Darsigii 1aad-Kitaabka Mukhtasar Al-Bukhaari Saxiix Al-Bukhaari (ibnu Abi Jamra ) waxaana uu Sheekhu akhrin doonaa inshalaah ilaa laga gaaro kutubta saxiixaynka ah ee aan ka wada Faaideysano.
Radio Halgan Live iyo Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ee ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa tabin doona duruusta uu Sh Dr Adam Sheekh Cali Saalax .Idaacada Islaamiga ee Al-Xikma ay xarumo gaaraya 13 ku leedahay Puntland waxayna baahisaa duruusta Diini ah iyo adeega bulshada .
Waxaa kale oo aad si sahlan ugu shuban karaan Radio Halgan Live telkooda gacanta Radio Halgan Live Google Play hadii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store .waxaad ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha . Halkan ka Dajiso Radio Halgan Google Play Halkan ka Dajiso Radio Halgan Live App Store
Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah uu soo tabin doonta Inshalaah Duruusta iyo Nadwooyinka Culumada waxaana ay bahwadaag ku yihiin faafinta Dacwada Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto gobalada Koonfureed.
Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin
Hoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma
Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.
Maamulka Radio Halgan Live