Faahfaahin Weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho
November 1, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Warark ka imaanaga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ugu yaraan 15 qof ay ku dhimatay 28 kalana ay ku dhaawacmeen ka dib weearar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hoteel Saxafi ee ku yaallla bartamaha magaalada Muqdisho.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen Abtidoon Koofi Shabaq, oo kamid ahaa xildhibaanada baarlamaanka DFS ,Abaanduulihii hore ee ciidanka DFS Jen Cabdikariim Dhagabadan iyo milkiilaha Hoteelka Saxafi Cabdirashiid Ilqeyte.
Weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab iyaga oo sheegay in ay dileen saraakiil.xildhibaano ,iyo dublamaasiyiin .
Wasiirka warfaafinta DFS Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”ayaa ka hadlay weerarka lagu qaaday Hotel Saxafi wuxuuna ku tilmaamay fal argagixiso wuxuuna ku faanay in ciidanka DFS ay dad badan soo badbaadiyeen.
A/Cawale
Halgan.net