Madaxweynaha dowladda Puntland oo u dhoofay magaalada Abu dubai[Masawiro]
November 1, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa manta gelinkii dambe ka dhoofay garoonka diyaaradaha C/laahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug , iyagoona ku sii jeeda Magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta.
Wefdiga Madaxweynaha oo isugu jira Wasiiro , Xildhibaano iyo saraakiil madaxtooyada ka tirsan ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyey Wasiiro iyo masuuliyiin kale .
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo inta uusan ka amababixin garoonka diyaaradaha la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in safarkiisu uu salka ku hayo martiqaad rasmi ah oo uu kahelay waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta
Madaxweynaha oo halkaasi ku sugnaan doona muddo kooban ayaa waxaa uu kulamo laqaadan doonaa Madaxda ugu sarraysa dalkaasi, waxaana uu kala hadli doona sii xoojinta mashaariicda horumarineed ee dawladda isutagga imaaraadka carubtu ka fuliso Puntland iyo adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee kadhexeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta .
Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntand kafulisa mashaariic horumarineed oo ay kamid yihiin Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Ladagaallanka Burcad Badeedka.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinra, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.