Axmed Cali Xaashi oo ku guulaystay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland
November 9, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa dhawaan la soo gabagabeeyey wareegii 2aad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntand, waxaan guusha ay ku raacday Axmed Cali Xaashi oo noqday gudoomiyaha cusub ee golaha wakiiladda Puntland waxaan uu helay ilaa 40 cod halka musharixii la tartamyey C/xakiin Dhooba-daareed uu hellay 22 cod.
Gudoomiyaha cusub ee golaha wakiiladda dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa horay u soo noqday Gudoomiyihii Baarlamaanka dowladda Puntland xiligii Madaxweyne Gen. Cadde Musse isagoona soo qabtay xilal kale duwan.
Gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada dowadda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa waxaa uu xil kaan uu hayn doonaa mudo saddexsano ah. Kulanka golaha wakiilada dowladda Puntand ayaa waxaa saaka goob joog ahaa 64 Xildhibaan halka 2 Xidhibaan ay ku maqnaayeen safar.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu
M_M_Deeq
Halgan.net