Weerarkii lagu qaaday xalay magaalada Paris oo uu sii kordhay Khasaarihii
November 14, 2015 - Written by EditorWararkaka imaanaya magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska ayaa sheegaya in uu sii kordhay khasaaraha dadkii ku dhintay weeraro kala duwan oo lagu qaaday goobo kala ah Tiyaatarka Bataclan iyo garoonka Stade de France.
Dabley hubeysan oo aan ilaa haatan ka aqoon tiradooda ayaa waxaa ay xoog ku galeen Tiyaatarka Bataclan, halkaasoo koox fanaaniin Mareykan ah ay ka qaadayeen heeso waxayna bilaabeen in ay toogtaan dadkii ku jiray tiyaatarka iyaga oo dilay 112 ruux.
Weearrka labaad ayaa waxaa uu ka dhacay garoonka Stade de France oo uu ku sugnaa madaxweynaha dalka Farance halkaasna waxaa ka socday ciyaar saaxiibtino oo u dhexeysa Farance iyo Jarmal.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa xaalad deg deg ah ku dhawaaqay wuxuuna amar ku bixiyey in la xiro xuduudaha dalka lana sugo amaanka goobaha muhiimka ah.
Sidoo kale waxaa kulan degdeg ah isigu yimid Madaxweynaha Faransiiska ,Golihiisa Wasiirada iyo Madaxda Ammaanka qeybahoooda kala duwan si ay uga arinsadaan weerarka lagu qaaday xalay Paris.
Magaalooyinka waaweyn ee dalka Faransiiska ayaa waxaa lagu daadiyey ciidamo milatari iyo kuwa Boolis ah oo si xoogan u hubeysan waxaana la dhigay magaaalada Paris 1500 askari.
no images were found
Faransiiska ayaa laga joogi waayey kibirkiisa isaga oo weeraro cirka ah ku qaaday wadamada Al-Jeeriya, Soomaaliya,Afgaanistaan.Libya,Suuriya iyo Maali isaga oo ku andacoonaya in uu weeraray kooxo argagixiso ah balse waxaa weerarad qaar ku dhintay dad rayid ah.
Kooxha Al-Qaacida iyo Daacish ayaa dhowr mar u dhaartay wadadmada reer galbeedka gaar ahaan Faransiiska waxayna sheegeen in ay weeraro la beegsan doonaan .
Ilaa hada ma jirto cid sheegatay weerarka xalay lagu qaaday magaalada Paris oo ay ku dhinteen in ka badan 153 ayna ku dhaawacmeen 200 oo ruux.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net