Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Garoowe
November 16, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xusseen (Odawaa) ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe ee xarunta dowladda Puntland. Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaiya C/raxmaan Maxamed Xusseen (Odawaa) ayaa waxaa ay la filayaa in ay ka qayb galaan shirka wadatashiga ee doorashooyinka 2016 ee maanta ka furmay magaalada Garoowe.
Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xusseen (Odawaa) ayaa waxa socdaalkiisa waxaa ku weheliya Wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo xubno ka socda Baarlamaanka DFS waxaa la filayaa in ay kulan la qaataan madaxda dowladda Puntland.
Shirka wadatashiga ee doorashooyinka 2016 ee furmay magaalada Garoowe ayaa waxaa kale uu ka uu ka dhici doonaa ilaa 6 magaalo ,sidoo kale waxaa uu shirka wadatashiga ee doorashooyinka 2016 uu ka furmay magaalooyinka kala ah Kismaayo, Jowhar, Cadaado, Baydhabo.
M_M_Deeq
Halgan.net