Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Qado Sharaf u sameeyey Issimada Dhaqanka DDSI oo ku Sugnaa Puntland.[Masawiro]

November 17, 2015 - Written by Editor

IMG_7683Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta Nov 17, 2015 qado sharaf soo dhoweyn howgiisa Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ugu sameeyey qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia DDSI waxayna ka mid ahaayeen odayaashii kala duwanaa ee ku howlanaa dhex-dhexaadinta beelo colaadi ku dhex martay deegaanada magacley iyo qoriley ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa kusoo dhoweeyey Puntland wuxuuna u sheegay issimada dhaqanka DDSI in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay ku faraxsan yihiin imaanshahooda Puntland maadaama shacabka labada dhinac ay leeyihiin xiriir qota dheer oo soo jireen ah.

Issimada dhaqanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia DDSI ayaa dhankooda uga mahad celiyay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo shaxabka Puntland soo dhoweynta wanaagsan ee ay u muujiyeen mudadii ay joogeen Puntland, sidoo kale waxay tilmaameen in guul wanaagsan laga gaaray kulamdii ay ka qayb galeen ee lagu dhex-dhexaadinayey beelaha walaalaha ah ee colaadu ku dhex martay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug , deegaanadaas oo ood-wadaag la ah deegaanada kale ee shacabka DDSI.

Issimada dhaqanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia DDSI ayaa Puntland ku sugnaa mudo ka badan Soddon Cisho waxayna ka mid ahaayeen odayaashii dhaqanka ee ka qayb qaatay heshiisiinta beelo ku dagaalamay deegaanada magacley iyo qoriley oo ka tirsan Gobolka Mudug.

no images were found

–DHAMMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online