Fahanka saxda ah ee dhaqan-gelinta shareecada Islaamka Sh Maxamuud Shible(Daawo)
November 17, 2015 - Written by EditorSh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli ayaa soo gaba-gabeeyey barnaamij uu uga hadlayey fahanka saxda ah ee dhaqan-gelinta shareecada Islaamka.
Barnaamijkan oo ahaa kii 4aad ayaa sheekha waxaa kala qeyb galay qaar ka mid ah ardadiisa, waxaana uu barnaamijku u dhacay sidan:-
1-Cidda ka mas’uulka ah hir-gelinta shareecada ayaa waxaa marka hore ka hadlay ustaad Mahad Cabdinuur, iyadoo isla qodobkaas uu sheekhu kaga dambeeyey.
2-In qeyb-qeyb loo hir-gelin karo shareecada ayaa waxaa ka hadlay Ustaad Maxamuud Shabeel, waxaana isla qodobkan qeyb ka qaatay sh. Shibli, faah faahin dheeraad ahna ka bixiyey.
3-Ustaad Bashiir Shariif ayaa qeybta u dambeysay oo ka hadleysay in hir-gelinta shareecada lagula dagaallami karo ciddii ka hortimaadda, ka hadlay, waxaana uga dambeeyey sheekha.
Qodobka ugu dambeeya ayaa sheekhu waxa uu sheegay in ka mas’alo ahaan uu uga hadlay ee cidda fulineysa ay tahay cid muslimiinta mas’uuliyad u dhiibteen ama hoggaanka umadda ah.
Barnaamijkan ayaa waxaa soo diyaariyey hay’adda Ixsaan ee horumarinta bulshada ee dalka Kenya, gaar ahaan xafiiska warbaahinta, wuxuuna ahaa qeybtii ugu dambeysay ee barnaamijka oo ka koobnaa 4 qeybood.
Waxaa duubay oo farsameeyey Maxamed A. Ismaaciil
Markazka Al-Hidaaya
Nairobi