Is rasaaseyn culus oo laga maqlayo Waqooyiga magaalada Paris.[Daawo Video-ga]

November 18, 2015 - Written by Editor

ffParis:-Waxaa laga maqlayaa iska horimaad hubaysan Waqooyiga magaalada Paris, iyadoo wararku ay sheegayaan in howlgal amni uu halkaasi ka socda. Dagaalkaanhubaysan ayaa waxa uu u dhexeeyaa Askar ka tirsan ciidanka boliiska ee Faransiiska iyo koox hubaysan oo looga shakisa yahay in ay qayb ka ahayd weerarkii dhiig badan ku daatay oo ka dhacay usbuuc ka hor magaalada Paris.

Warar soo baxay ayaa sheegay in iska horimaadka kasocda waqooyga magaalada Paris ay ku dhinteen qaarka mid ah ciidanka Faransiiska halka kooxda la dagaalamaysay ciidanka aan ilaa hadda la aqoon tiradooda iyo khasaaraha soo gaaray.Ciidanka Faransiiska ayaa xiray waddooyinka gaar ahaan agagaarka Place Jean Jaures ee ku taalla xaafadda Saint Denis.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegaya in goobta uu ka socdo iska horimaadka hubaysanuu ku jiro nin lagu magacaabo Cabdixamid Abaaud oo ah 28 sano jir kuna dhashay dalka Belgium kaasi oo horey warbaahinta Faransiisku ay sheegeen in Cabdixamid Abaaud uu joogo dalka Syria uuna yahay hogaamiyaasha  ISIS ee fulisay weerarkii ka dhacay magaalada Paris Jimcihii la soo dhaafay.

Faahfaahin ka soo baxaysa weerarkii saaka ay ciidanka Booliska Faransiiska ku qaadeen guri ku yaala duleedka Saint-Denis ayaa waxaa ku dhintay 2 ruux iyo qof dumar ah oo is qarxisay halka 5 qof ay Booliska Faransiisku ay sheegeen in howl galka ay ku qabteen sidda ay qortay Wakaalada wararka ee AFP.

Hoos ka Daawo Is rasaaseyn culus oo laga maqlayo Waqooyiga magaalada Paris

Hoos ka Daawo Sky News Live

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online