Xaflada Qalin Jabinta Dufcada 8aad ee ka baxday Machadka Al-faaruuq oo ka dhacday Gaalkacyo.[Masawiro]

November 22, 2015 - Written by Editor

IMG-20151121-WA0004Gaalkacyo:-Xafladaani ayaa waxaa loo qabtay Ardayda Dufcada 8aad ee ka baxday Machadka Al-faaruq ee Daraasaatka Islaamiga ah iyo Luqada oo ku yaala Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana ay ahaayeen Tirada Ardayda Qalin Jabisay 23 Arday iyo Ardayad.

Xaflada ayaa waxaa kasoo qayb galay indheer garadka Bulshada Qaybohooda kala duwan Maamulka Macalimiinta iyo Ardayda Machadka Alfaaruuq, Waalidiinta Ardayda, waxaana ay ka dhacday Hoolka Shirarka ee Amal Plaza.

Maamulaha Machadka Al-faaruuq Sh.Cilmi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ka warbixiyay Machadka Alfaaruuq iyo Ujeedooyin ka loo aasaasay, Ardayda qalin jabinaysa iyo Waxqabad kooda waxaana uu sheegay inay gacanta ku hayaan dhamaystirka Qaamuus Carabi iyo Soomaali isku tarjumaya oo iyagu ay Diyaariyeen.

Sh.C/caziiz Axmed Aadam (Garweyne) oo Magaca Culimada ku hadlayay ayaa Ardayda Qalin jabisay waxaa uu kula dardaar may inay kaalintooda ka qaataan Faafinta Diinta Islaamka ee ay aqoonteeda leeyihiin.

Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika-Gaalkacyo Dr.Aadam Maxamed Cigaal ayaa waxaa uu sheegay in Ardayda cusub ay ku soo dhawaynayaan Jaamacada Machadka Faaruugna uu yahay Hooyada Macaahidda Gaalkacyo loona baahan yahay inay midoobaan si ay usoo saaraan Aqoonyahan dhisan.

C/shakuur Xirsi Qureex oo kamid ah Waalidka Ardayda Qalinjabinaysay ayaa waxaa ka hadlay Muhiimada Aqoonta Sharciga ah iyo qiimaha taageerada iyo ka warhaynta Waalidka ee Machadka.

Gudoomiyaha Munadamada Beder ee Ardayda ka baxday Machadka Alfaaruuq C/rizaaq C/laahi Daahir ayaa waxaa uu ka warbixiyay Xaalada Ardayda ka baxday Machadka waxaana uu sheegay inay soo dhawaynayaan Dufcadaan hada kusoo biirtay Munadamada.

Ardayda kabaxday qalin jabinaysay ayaa waxaa Afkooda ku hadlay Maxamuud C/rashiid Jaamac waxaana uu ku dheeraaday Sharaxaadda Qaamuuska ay soo saari rabaan.

Si kastaba ha ahaatee Gaba gabadii Xaflada ayaa Ardaydii Qalin jabinaysay waxaa la gudoon siiyay Shahaadooyinkii Heerka Dugsiga Sare ee Machadka, iyada oo Shahaaddo Tafawuq la gudoon siiyay 6dii Arday ee igu saraysay oo Darajada Mumtaaz ama (A) ku gudbay.

no images were found

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi
Gaalkacyo,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online