Dagaal ka dhacay Degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool

April 4, 2012 - Written by

Baydhabo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Bakool ayaa sheegaya in uu dagaal culus ka socdo Degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ay ciidamada Al-Shabaab ay weerar kedis ah  ku soo qaadeen Degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool.

Dagaalka ayaa ah mid xooggan waxaana uu ka socdaa gudaha Degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool waxaana uu dhaliyey Khasaaro leh dhimasho iyo Dhaawac.

Sarkaal u hadlay Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen Degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool ayna dileen Gudoomiyahii Dagmada Ceel-Barde Caweer Cumar Dheere, Taliyahii Ciidamada Degmada Dhurwaa , Taliyahii Saldhiga Degmada Ceel-Berde oo magaciisa lagu soo gaabiyey Saytuuni iyo madaxii Maaliyada ee Degmada  Ceel-Berde  Maxamad Bare.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo hogaaminayay dagaalka ayaa dadka deegaanka meel fagaare kala hadlay waxaana uu u sheegay in shacabka ay is dajiyaan ayna waxba u dhimi doonin dagaalkoodana uu ku wajahan yahay ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM.

Wararkii ugu danbeeyey ee soo gaaraya Halgan.net ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen Degmada Ceel-Berde xaaladana ay haatan degan tahay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online