Dastuurkii Puntland oo loogu codeeye Haa si aqlabiyad ahna loo ansixiyey.

April 18, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa maanta lagu soo afmeeray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntlland shir  u socday ergooyin gaaraya ilaa  480 ergo oo looga doodayey Dastuur cusub oo ay ku dhaqmi doonto Dowllada Puntlland, dooda dastuurka cusub ayaa waxaa ay mudo 3 maalin ah ka socotay hoolka shirarka ee Golaha baarlamaanka Puntlland. Ergeda ka qayb galaysa shirka ayaa waxaa lagu soo xulay qaab ama hab beeleed ku salaysan markii Puntlland la aasaasay 1998-dii.

Dhamaan Ergadii ka soo qayb galay shirka ayaa waxaa ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen Dastuurka cusub Haa  iyadoo wararka ay soo tabinayaan wariyaahu ay sheegayaan in ilaa 472 xubnood ay u codeeyeen Haa  halka 6 xubnood ay u codeeyeen Maya  , Ergooyinka ka qayb galayey shirka ansixinta Dastuurka cusub Puntlland ayaa waxaa ka mid ah Isimada soo jireenka ah ee Puntland ahna kuwii lahaa dhimaha maamulka Puntlland.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Puntland Prof. Maxamed Xasan Barre  ayaa saxaafada u sheegay in Dastuurkii cusubaa ee ay yeelan lahayd Puntlland si rasmi ah saaka loo meel mariyey ergooyinkii shirka ka qayb galayna ay si hufan uga doodeen ka dibna ay saaka ugu codeeyeen.

Xafladda cod bixinta Dastuurka ayaa waxaa ka soo qayb galay saaka masuuliyiin ka tirsan Puntland, DFKM, wakiilo ka socda Qaramada Midoobay ,Midowga Afrika  EU iyo IGAD iyo  wakiilo ka socda Dowllada Itoobiya , Kenya , Djibuti.

Shaxda Ergooyinka Gobolladu qaabka ay u codeeyeen.

Gobolka Bari 92 Ergay Haa 1 Ergay Maya.

Gobolka Nugaal 53 dhammaan waxay u codeeyeen Haa.

Gobolka Mudug 53 Ergay Haa 2 Ergay Maya.

GobolkabSanaag 84 Ergay Haa 2 Ergay Maya.

Gobolka Sool 83 Ergay Haa.

PUNSAA : Ururka bulshada Rayidka ah 5 Ergay Haa.

Qurbajoogta 5 Ergay Haa.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online