Diyaarado Duqeyn ka geystay degmada Gumbax ee gobolka Bari

April 17, 2012 - Written by

Boosaaso:-Diyaarado dagaal oo aan la garanaynin cid leh ayaa xalay duqeymo culus ka geystay degmada Gumbax ee gobolka Bari waxaana ka dhashay duqeyntaas khasaaro kala duwan.

Halgan.net ayaa xiriiro kala duwan la sameysay deegaano ka tirsan gobalka Bari ayaa loo xaqiijiyey in diyaarado dagaal ay xalay si culus u duqeeyeen doomo ay leeyihiin kaluumeystayaal waxaana dhaawacmay laba ka mid ah kaluumeystayaasha .

Guure Cali Daad oo ah Xogheyaha dowladda Hoose ee Gumbax oo warbaahinta saaka la hadlay ayaa sheegay in diyaaradaha ay khasaaro  culus u geysteen agab ay lahaayeen kaluumeystayaasha nasiib wanaagse ay dhaawacmeen laba ruux maadaama ay ahay xili habeen ah.

Duqeyntaan ayaa walaac xoogan ku abuurtay dadka degan degmada Gumbax  oo u badan dad ka shaqeysta bada soona jilaabta  kheyraadka alle siiyey oo kala nooc ah sida malaayga iyo aargoostada.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online