Sheekh Xassan Daahir Aweys oo ka hadlay hub laga soo saaray guri ku yaal Siinka Dheer(Dhageyso))

April 21, 2012 - Written by

Afgooye:-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha iyo culumada Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hub laga soo saaray guri ku yaal Siinka Dheer ee Degmada Afgooye ka dib howlgalo ay sameeyeen ciidamada ka tirsan ururka Al-shabaab.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa tacliiq saaray khudbadii Jimacaha ee shalay taas oo uga hadlay laba arimood oo kala ah in xumaaanta la reebo wanaagana la is faro iyo hub ay ciidamada Al-Shabaab ka soo saareen guri ku yaal Siinka Dheer wuxuuna tilmaamay in hubka ay leeyihiid dad islaam ah cadowna uusan lahayn sabab loo qaatana aysan jirin.

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in uu yaqaan cida hubka iska leh waloow uusan carabaabin warbaahinta gudaha ayaa aad u hadal hayey hubka la helay iyo cida is ka leh hubka ayaa waxaa si rasmi ah ula wareegay Al-shabaab. Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa uu ka hadlay sidoo kale asbaabaha diinta iyo umada lagu ilaalin karo wuxuuna sheegay in ay tahay cilmiga Sharciga ah oo ay culumada xambaarsan tahay waxaa kale oo umada lagu ilaalin karaa buu yiri sheekhu farida wanaaga iyo reebi da xumaanta iyo Jihaadka gaalada looga cesho diinta Islaamka.

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa kale uu ka digay dulmiga wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay ka fogaadaan waxaa kale uu sheekha ku celceliyey in sida tawxiidka loo saxay la saxo mucaamalaadka umada lana ilaasho umada islaamka hantidooda iyo xuquuqdooda.

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa sidoo kale sheegay in ay xaaraan tahay in la baneysto Dhiiga ,Sharafta,iyo Maalkiisa wuxuuna ku baaqay in la ilaaliyo rabina laga baqo.

Tacliiqa Khudbo jimacaha ee Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ka jeediyey Masjidka al Nuureyn ee Ceelasha Biyaha hoos ka dhageyso

Tacliiqa Sheekh Xassan Daahir Aweys (Abu Maryama)

[audio:http://www.halgan.net/Mp3/Daahir.mp3]

Ama Halkan

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online