Maamulka Sare ee JBA oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Faraca Qardho.[Masawiro]

May 22, 2015 - Written by Editor

IMG_6462Qardho:-Kulankan oo ahaa kulan maamulka sare ee jaamacada bariga Africa uu la qaatay ardaydii horay uga qalinjabisay jaamacada iyo kuwa sanadkan ka qalin jabinaya ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ardayda dhamaysatay heerka kowaad ee jaamacada iyo kuwa hadda dhamaynaya loogu raadin lahaa fursad ay kusii wataan waxbarashadooda qaybaha uga harsan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Faraca Qardho oo ugu horayn kulanka ka hadlay ayaa Maamulka sare ee Jaamacada kusoo dhoweeyay Qaybta Qardho, wuxuuna warbixin guud kas iiyay dhamaan qaybaha ay ka koobantahay jaamacada oo kala ah, Maamulka iyo Maaraynta, Shareecada, Culuumta Computer ka iyo Horumarinta Bulshada wuxuuna gudoomiyuhu xusay in dhamaan kuliyada haas ay si wanaagsan u socdaan haddana aysan jirin caqabad ka haysata xaga macalimiinta iyo agab kaba sidoo kale waxa uu ka warbixiyay koorsooyinka ay bixiso jaamacada ee gaarsiisan ilaa heerka Diblo mada, gudoomiyaha ayaana u mahad celiyay dhamaan bulshada reer Qardho oo mar walba garab taagan horumarka magaalad.

Gudoomiyaha mar uu ka cudurdaaranayay tirada ardayda soo xaadirtay oo aad u yarayd ayaa waxa uu sheegay in ardayda ay ku mashquulsan yihiin isu diyaarinta imtixaanka jaamacada oo 25 ka bishan bilaaban doona.

Madaxa daraasaadka iyo tacliinta sare ee Jaamacada Bariga Africa ayaa ardada uga warbixiyay waxbarashada Master Degree ga ama heerka labaad ee jaamacada oo ay dhawaan soo kordhisay jaamacada bariga Africa wuxuuna ka dhawaajiyay inay jaamacada soo kordhisay dhowr takhasus oo ah heerka labaad ee jaamacada (Master Degree ) sidaa daraadeed ardayda dhamaysatay jaamacada iyo kuwa hada dhamaynayaba loo baahanyahay inay ka faa’iidaystaan fursadaa Qaaliga ah.

Aadan Sh. Doon oo ah Gudoomiyaha Guud ee Jaamacada Bariga Africa oo Kulanka ardayda la hadlay ayaa aad uga mahad celiyay sida wanaagsan ee kulanka ay usoo xaadireen wuxuuna faahfaahin guud ka siiyay ardayda.

Barnaamijka ay jaamacada hadda soo kordhisay oo ah Master ka wuxuuna sheegay in Daraasada Master ka laga bixin doono xarumaha Boosaaso iyo Garoowe wuxuuna hoosta ka xariiqay in hada ay diyaar yihiin labo takhasus oo hoostaga Kuliyadaha shareecada iyo Maamulka iyo maaraynta sidoo kale waxa uu ardayda dhigata qaybaha kale ee Jaamacada ku booriyay in ayaga xitaa ka faa’iidaysan karaan oo ay master tooda ku diyaarin karaan Qaybaha hada diyaar ka ah.

Gabagabadii kulanka ardayda ayaa su’aalo dhowr ah waydiiyay gudoomiye Aadan Sh. Doon, dhamaan ardaydii su’aalaha waydiiyay gudoomiyay ayaa wajiyadooda laga dheehan karay kuwo ku qanacsan jawaabta gudoomiyaha, wuxuuna balan qaaday gudoomiyaha inay marwalba ay u taagan yihiin horumarinta bulshada gaar ahaan wuxuu sheegay inay ka go’antahay in wadanka ay ka hergaliyaan waxbarasho u dhiganta tan maanta ka jirta dalalka ugu horumarsan dunida taana marwalba ay la kaashanayaan Bulshada qaybaheeda kala duwan ugu dambayntiina waxa ay booqdeen Maktabada
Jaamacada.

no images were found

Halgan.net
Qardho

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online