Machadka Sunnaha ee Muqdisho oo ay ka qalin jabiyeen Arday gaaraysa ilaa 227.[Masawiro]

May 22, 2015 - Written by Editor

IMG-20150522-WA0012Muqdisho:-Machadu sunah oo lagu daraaseeyo shareecada iyo luuqada carabiga kuna yaalo magaalada Muqdisho ahna Machadka shirciga ah midka ugu wayn ee ku yaal Muqdisho ayaa waxaa ka qalin jabiyay arday gaaraysa ilaa 227.

Xaflad balaaran oo ay soo agaasimeen maamulka iyo ardayda machadka ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Machadka ee Muqdisho, xaflada oo qabsoontay subaxdii jimcada 22/05/2015 ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybo badan oo bulshada ka mid ah.

Waxaa ugu horayntii halkaa lagu soo bandhigay ardayda qalin jabisay iyo natiijooyinka ay kala haystaan, waxaana la abaalmariyay arday gaaraysa ilaa 15 oo ahaa ardaydii ugu saraysay dufcadan hadda qalin jabisay, waxaana xusid mudan in ay gabdhaha ay si fiican wiilasha ula qaybsadeen kaalmaha ugu horeeya waliba gabdhaha ayaa ka horeeyay celcelis ahaan.

Waxaa xafladan oo ardayda shahaadooyin la gudoonsiiyay ka hadlay maamulaha guud ee Machadka Sh.Saalix, Sheekh cumar lugeey oo ku hadlay magaca culimada, Dr xasanul basri oo ah gudoomiyaha jaamacada imaam, Sheekh Siciid Qalinle oo ku hadlay magaca mu,asaasada Safaa kana mid ah mas,uuliyiinta mu,asasada, ustaad C/casiis Cali Xassan oo ku hadlay magaca idaacada Al-nuur ee Qur,aanul kariimka ahna maamulaha idaacadda iyo dad badan oo ducaad iyo waalidiin iyo nabadoono isugu jiray.

Dhamaan dadkii halkaa ka hadlay ayaa waxay si wayn u amaaneen juhuuda uu maamulka machadka shacabka u haayo iyo sidda uu machadku ugu guulaystay in uu soo saaro ducaadii mustqablaka gabdho iyo wiilal.

Machadu sunah oo la aasaasay 2005tii ayaa waxaa ka qalinjabiyay arday boqolaal ah oo galay jaamcadaha dalka iyo kuwa dibada, waxaana uu machadka ka mid yahay Raabidada Macaahida Sharciga ee Soomaaliya.Waxaana uu machadku ku leeyahay magaalda Muqdisho marka laga tago xaruntiisa laamo dhowr ah.

no images were found

Maamulka Machadu Sunnah
Muqdisho,Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online