Madaxweynaha Dawladda Puntland oo dhagax dhigay dhismaha wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo.[Masawiro]

May 22, 2015 - Written by Editor

IMG_3638Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22-5-2015 deegaanka ceel-daahir ee Gobolka Barri ka dhagax dhigay wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo oo ay dawladda iyo shacabka reer Puntland iska kaashanayaan dhismaheeda.

Xafladda dhagaxdhiga ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, xildhibaano, gudiga wadada ceel-daahir-Ceerigaabo, waxgarad, cuqaal, dhalinyaro iyo masuuliyiin kale duwan oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta madaxweynaha ee deegaankaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay furitaanka mashruuca ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya si rasmi ah loo bilaabayo dhismaha wadadaan oo muhiim u ah dadka reer Puntland, laguna fulinayo hal kudhigii madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato.

” Waxaan runtii aad ugu taamaynaa uguna dadaalaynaa in mashruuca aanu ku dhisayno wadadaan uu hirgalo , waan awoodnaa inaanu dhisno Puntland waa ay isku tashatay , waxa ay reer Puntland u kacaana waa ay fuliyaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in xukuumada uu hogaaminayo muhiimad gaar ah siinayso dhismaha kaabayaasha kala duwan ee dhaqaalaha Puntland si dalku uu u hormaro, meelkastana loo gaarsiiyo adeega dawladda si siman oo cadaalad ah .

” Puntland wixii ay iyadu qabsan karto iyadaa qabsanaysa , wixii awoodeedana kabaxsana Ilaahay iyo cidii kale ee ay la kaashan karto ama ha noqdeen maalgeliyayaal ajnabi ah amaba dawlado , geed dheer iyo mid gaabanba waxaan u fuulaynaa horumarka Puntland. ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

 

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online