Madaxweynaha DFS oo kulan taariikhi ah Muqdisho kula yeeshey Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka[Masawiro]

May 5, 2015 - Written by Editor

3Muqdisho, 5 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry, oo booqasho rasmi ah oo maalin ah ku yimid Soomaaliya.

Madaxweynaha oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare, Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa Mudane Kerry uga warbixiyey xaaladda dalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga, Hiigsiga 2016, dhismaha iyo isku dhafka ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kuwo kale.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Mr Kerry ayaa soo dhoweeyay horumarka dhinaca siyaasadda iyo nabadgelyada iyo barnaamijyada Hiigsiga 2016 ee Soomaaliya, isaga oo ku dhiirrigeliyey hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay sii dardar geliyaan dadaalkooda ku aaddan dhib u dhiska dalka.

Mr Kerry ayaa sheegay in Mareykanku uu billaabayo hannaan uu rasmi ahaan Muqdisho uga furanayo safaarad si rasmi ah u shaqeysa, Soomaaliyana laga taageeri doono dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha kale ee ay u baahan tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry waxaa sidoo kale si wadajir ah ula kulmey madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka waxaa kale oo uu la kulmey xubno ka socda ururrada bulshada, ka hor intii aanuu ka ambabixin magaalada Muqdisho.

no images were found

-DHAMMAAD-
Daud Aweis

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online