Madaxweyne Gaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay Qardho xarigana ka jaray wado cusub oo Laami ah.[Cod/Masawiro]

May 21, 2015 - Written by Editor

11Qardho:-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo kasoo ambabaxay caasumada Puntland ee Garowe ayaa shacabka magaalada Qardho waxa ay uga hortageen duleedka magaalada Qardho, madaxweynaha ayaa gacan qaaday dhamaan dadkii halkaa ku soo dhoweeyey oo ay hormuud u ahaayeen maaamulka Gobolka, kan Degmada, Isimada iyo Bulshada Rayidka Qaybaheeda kala duwan.

Madaxweyanaha iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa waxa ay usoo kictameen dhanka magaalada halkaas oo xariga ka jaray wado laami ah oo cusub oo dhawaan laga hergaliyay gudaha magaalada Qardho, waana wadadii lixaad oo laga hergaliyo magaalada Qardho.

Madaxweynaha ayaa soo indha indheeyay Gegida Diyaaradaha ee magaalada Qardho oo dhawaanahan uu dhisme ka socday Terminalka Garoonka wuxuuna halkaa uu warbixino kaga dhagaystay masuuli yiinta garoonka waxayna u sheegeen in garoonka howlihiisu ay si wanaagsan u socdaan islamarkaana ay howlo badan ka qabteen sida inay kusameeyeen biyo xireen, garoonka oo Silig lagu wareejiyay, Hoolal iyo qolol laga dhisay terminalka cusub iyo shaqooyin kale oo farabadan waxayna hoosta ka xariiqeen in howshiisa ay wali Qabyo tahay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn saxaafada uga warbixiyay safarkiisu uu ku yimi xarunta gobolka Karkaar ee Qardho wuxuuna sheegay in reer Qardho ay si wayn u soo dhoweeyeen asagana uu uga mahad celinayo, wuxuu kaloo sheegay madaxweynaha in reer Qardho ay isku tashteen.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Madaxweyne Gaas o saxaafadda la hadlay markii uu soo gaaray Qardho

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/ocmyvxwczp/codka_gaaaas_madaxweynaha.mp3]
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online