Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry oo Muqdisho tegay

May 5, 2015 - Written by Editor

jhnMuqdisho:-Xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka John Kerry ayaa dhawaan gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya , isagoo kulamo la qaadan doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iy o Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka John Kerry ayaa waxaa uu ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya oo uu maalmo ku sugnaa isagoo socdaal ku soo maray wadamo dhowr ah oo ku yaal Geeska Afrika.

Intii uusan soo gaarin Xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka John Kerry magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad loo adkeeyey amaanka guud ee garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyo weliba wadooyinka ku dhow dhow

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka John Kerry iyo madaxda Soomaalida ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaa sidda warbaahintu tabinayso kaalinta dowladda Maraykanka ay ku yeelan karto taageerida dowladda Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab arrinkaas oo marar badan ay dowladda Maraykanku si cad u sheegtay.

Kulanka ay madaxda Soomaalidu la yeelan doonaa Xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka John Kerry ayaa waxaa kale oo looga hadli doonaa Hiigsiga 2016 iyo in doorasho ay ka dhici karto dalka Soomaaliya. Socdaalka Xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka John Kerry uu ku yimid magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay noqonaysaa tii ugu horaysay oo masuul sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka uu ku yimaado Soomaaliya.

Afhayeenka madaxtooyada Daa’uud Aweys oo la hadlay saxaafadda Muqdisho ayaa u sheegay in kulan oo ka dhacaya Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ka qayb galayaan madaxda maamul-goboleedyada iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online