Madaxweynaha Puntland iyo Jubbaland oo gaaray Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug

November 30, 2015 - Written by Editor

Gaas-iyo-axmedMadaxweyneyaasha Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug halkaas oo ay ka socdaan dadaalo lagu nabadeeynayo dadka walaalaha ah oo ay shaqaaqadu ku dhexmartay magaalada Gaalkacyo.

Shaqaaqadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sababatay khasaaro leh dhimasho dhaawac barakac iyo hanti burburtay waxaana dagaalka hurinayey siyaasiyiin dano gaara ka leh colaada beelaha oodwadaaga ah.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa horay ugu sugnaa mas’uuliyiin ka kala tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamullada Galmudug iyo Koonfur-galbeed waxaana loo balansan yahay shir nabadeed oo lagu qabto magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay masuuliinta labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland ,waxaa kale oo uu sidoo kale kulamo kala duwan la qaatay Isimada iyo nabadoonada labada dhinac ee waqooyi iyo Koonfurta Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa waxaa ay kulan albaabada u xiran yihiin la qaateen Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ah Isim si weyn looga qadariyo Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online