Taliyaha ciidamada Puntland oo laga waraystay weerar uga yimaada Daacish [Dhagayso]

November 25, 2015 - Written by Editor

Gen_Siciid-DheereGaroowe:-Puntland ayaa markii ugu horraysay ka digtay inay weeraro qorshaynayaan koox ka go’day ururka Al-Shabaab oo sheegtaya inay taageerto ururka Daacish. Taliyaha Guud ee ciidamada Puntland Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi oo waraysi khaas ah siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in ciidankoodu ay diyaar u yihiin wixii weerar ah ee ka yimaada ayna heegan yihiin.

Waxa uu shaaciyey in weerarada ay qorsheynayaan kuwa Daacish ah ay yihiin weeraro ay doonayana inay isku soo shaac bixiyaan, si loo yiraahdo Daacish ayaa weerar ka geysatay Soomaaliya.

Taliyaha waxa kale oo uu xaqiijiyey in laba koox oo mid Daacish ay raacsan tahay, midna ay weli yihiin Al-shabaab ay ku wada sugan yihiin buuraha. Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in kooxda ka go’day Al-shabaab ee Dacaish raacday ay sidaas u sameeyeen dhaqaale dartiis, oo aysan lahayn oo wax qaddiyad ah.

Hoos ka dhagayso Taliyaha Ciidamada Puntland Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi.

Source:VOA

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online